Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka…

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley ayaa waxay yeesheen Shir ku saabsan Arrimaha Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada, sida laga soo xigtay Kulankooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siweyn u bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee AFRICOM ku leeyahay taageeridda dib-u-habaynta amniga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay sii wado horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyada oo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah, siday sheegtay Warbaahinta dowladda.
Dhanka kalena, Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa xaqiijiyay ballanqaadka Maraykanka ee ah in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta xasilloonida waarta ee Geeska Afrika.



