Madaxweynihii hore ee Sri Lanka Ranil Wickremesinghe oo la xiray

Booliska ayaa sheegay in hogaamiyihii hore lagu eedeeyay in uu ku takri falay hanti dadweyne oo la xiriirta safar uu ku tagay London.

22 August, 2025

Madaxweynihii hore ee Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa la xiray waxaana uu kasoo muuqday maxkamad kadib markii lagu eedeeyay in uu ku takri falay hantida qaranka intii uu xilka hayay, sida ay booliisku sheegeen.

Wickremesinghe, oo 76 jir ah, oo dalka hoggaaminayay intii lagu jiray qalalaasaha dhaqaale ee 2019-2024, ayaa lagu eedeeyey booqashadii uu ku tagay London si uu uga qeyb galo qalin-jabinta xaaskiisa, warbaahinta maxalliga ah ayaa werisay Jimcihii.

Wickremesinghe wuxuu ku hakaday London 2023 isagoo ku sii jeeda Sri Lanka isagoo ka yimid Havana, halkaas oo uu kaga qayb galay shirkii G77. Xafiiskiisa ayaa horey u beeniyay inuu ku takri falay hantidda Qaranka booqashadiisii London, UK.

Isaga iyo xaaskiisa, Maithree, waxay kasoo qayb galeen xafladda ka dhacaysay Jaamacadda Wolverhampton, halkaas oo xaaskiisa lagu gudoonsiiyey shahaado sharafeed.

Wickremesinghe waxa uu ku adkaystay in kharashaadka safarka ee xaaskiisa ay iyadu iska bixisay oo aan la isticmaalin lacag dawladeed.

Si kastaba ha ahaatee, CID-da ayaa ku eedeysay in Wickremesinghe uu u isticmaalay lacagta dowladda safarkiisa oo uu ku tagay booqasho gaar ah iyo ilaaladiisa oo sidoo kale ay dowladdu bixisay.

Unugyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee Sri Lanka ayaa hogaaminayay olole tan iyo markii madaxweyne Anura Kumara Dissanayake uu xukunka qabtay bishii Sebtembar isagoo ballan qaaday inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa.