Madaxweynihii hore ee Yemen Hadi oo ku geeriyooday Sacuudi Carabiya

28 May, 2026

Madaxweynihii hore ee Yemen Abedrabbo Mansour Hadi ayaa geeriyooday isagoo 80 jir ah, sida ay sheegtay…

Madaxweynihii hore ee Yemen Abedrabbo Mansour Hadi ayaa geeriyooday isagoo 80 jir ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Yemen Khamiistii.

Saddex maalmood oo baroordiiq ah, oo calanka hoos loo dhigay, ayaa lagu dhawaaqay si loogu xuso Hadi, ahaa Madaxweynihii xilka hayey markii Xuutiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca iyo dhul ballaaran oo Yemen ah, taasoo keentay dagaal sokeeye oo ba’an.

Hadi wuxuu xilka qabtay 2012 kadib muddo dheer oo uu madaxweyne ku xigeen u ahaa Cali Cabdalla Saalax, kadib markii lasoo afjaray 33-kii sano ee uu xukunka hayay intii lagu jiray dibadbaxyadii Carabta.

Hadi oo dhashay 1945, ayaa ka qalin jabiyay dugsiga saraakiisha militariga sanadkii 1964.

Wuxuu tababar milatari ku qaatay Britain, kadibna wuxuu tababar gaar ah ku qaatay hubka gaashaaman ee Masar ilaa 1970.

Wuxuu isbahaysi la sameeyay Saalax kahor midowgii Waqooyiga Yemen iyo Koonfurta Yemen ee shuuciga ahaa sanadkii 1990, waxaana loo magacaabay wasiirka difaaca sanadkii 1994, markii Saalax uu jabiyay isku day goosasho koonfurta ah.