Madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa la xiray, waxaana su’aalo laga weydiinayaa ku dhawaaqistiisa sharciga dagaalka bishii Diseemba

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa la xiray Arbacada maanta ah, waxaa xiray baarayaasha la dagaalanka musuqmaasuqa, taasoo noqoneysa markii ugu horeysay ee madaxweyne Kuuriyada Koonfureed ah oo xilka haya la xiro.
Xarigga ayaa daba socday xil ka qaadistii Yoon iyo ka joojintii shaqada madaxweynaha ee lagu sameeyey Diseembar 14, 2024, ka dib markii uu ku dhawaaqay sharciga dagaalka horaantii bishaas, taasoo keentay jahawareer siyaasadeed iyo mudaaharaadyo dadweyne.
Maamulka ayaa horay isku dayay in ay xabsiga dhigaan Yoon, balse waxa ay iska caabin kala kulmeen kooxdiisa ammaanka iyo taageerayaashiisa. Intii lagu guda jiray hawlgalkii lagu guuleystay ee lagu soo qabtay, in ka badan 3,000 oo askari oo bilays ah ayaa ka qaybqaatey hawlgalka, Yoonna wuxuu ugu dambeyntii u hoggaansamay in uu la shaqeeyo baarayaasha la dagaalanka Musuqa si uu uga hortago rabshado dhici kara.
Maxkamadda Dastuuriga ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa hadda ka tashanaysa xil ka qaadista rasmiga ah ee Yoon, kaas oo qaadan kara dhowr bilood. Haddii ay maxkamaddu ku taageerto xil ka qaadista, doorashada madaxweynaha waa in lagu qabtaa 60 maalmood gudahood.
Dhacdadan oo aan hore loo arag ayaa horseeday xasilooni darro siyaasadeed oo ka jirta Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ay socdaan doodo ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karaan hay’adaha dimuqraadiga ah ee dalka iyo dawladnimada.
HORSEED MEDIA