Yoon ayaa isku dayey in uu dalka ku soo rogo xaalad dagaal si loo laalo dastuurka taas oo uu sababsadey in xilka looga qaado kadib markii uu ku fashilmey in uu dhaqan geliyo
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa xilka laga xayuubiyey. Waxay ahayd codbixin xil ka qaadis ah oo labaad oo uu Yoon wajaho, ka dib markii cod loo qaaday todobaadkii hore uu fashilmay.
204 xildhibaan ayaa u codeeyay in mooshinka ay taageeraan, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.
Dhanka kale, 85 xildhibaan ayaa diiday mooshinka, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan. Siddeed cod oo kale ayaa xumaadey.
Waxaa codeynta ka qeyb galay dhammaan 300 oo xildhibaan.
Xisbiga talada haya ee Yoon Suk Yeol ee People Power Party (PPP) ayaa ka qaybqaatey codka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweynaha ka dib markii ay ka baxeen codbixintii xil ka qaadista todobaadkii hore.
Sababta xilka looga qaadey ayaa ah kadib markii Yoon isku dayey in uu dalka ku soo rogo sharciga xaaladda degdeg ah ama xaalad dagaal si uu ulaalao dastuurka dalkaas taas oo uu ku fashilmey .
Raiisel wasaare Han Duck-soo ayaa hadda si ku meel gaar ah u sii hayn doona xilka
Han ayaa ballan qaaday inuu dejin doono xaaladda siyaasadeed ka dib ku dhawaad laba toddobaad oo qalalaase ah.
HORSEED MEDIA