Maduro iyo xaaskiisa waxaa afduubtay ciidamada Mareykanka waxaana loo qaaday xarun xabsi oo ku taal magaalada New York halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo eedeymo la xiriira “ka ganacsiga daroogada”.

Madaxweyne ku xigeenka Venezuela Delcy Rodriguez – oo loo magacaabay hoggaamiyaha ku meel gaarka ah – ayaa dhaleeceysay “afduubka” Maduro iyadoo sheegtay inuu yahay “madaxweynaha kaliya ee Venezuela”.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay “maamuli doonto” Venezuela oo ay ka faa’iideysan doonto kaydka saliidda ee ballaaran, laakiin faahfaahin yar ayuu ka bixiyay sida Mareykanku uu dalkaasi u maamuli doono.

Wasiirka Difaaca Venezuela Vladimir Padrino ayaa sheegay in qayb badan oo kamid ah illaaladii Maduro lagu dilay weerarkii komaandooska Mareykanka ee horseeday afduubkiisa.
War-saxaafadeed uu telefishinka dalkaasi siiyey, Wasiir Padrino ma uusan sheegin tirada saxda ah ee weerarkaas lagu dilay.

Wuxuu sidoo kale taageeray Madaxweyne Ku-xigeenka Delcy Rodriguez oo loo dhaariyey madaxweyne ku-meel-gaar ah, wuxuuna sheegay in ciidamada qalabka sida laga hawlgeliyay guud ahaan dalka si loo dammaanad qaado madaxbannaanida iyo “la dagaallanka gardarrada Mareykanka”.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu Isniinta berri kulan ka yeesho arrintan iyadoo Xoghayaha Guud Antonio Guterres uu sheegay in ficillada Mareykanka ayaa yihiin kuwo “khatar ku ah amniga caalamka”.



