Madixii qorista iyo tashkiilinta Dacishta Somalia oo duqayn lagu diley.

8 February, 2025

Wargeyska Daily Mail ee dalka UK ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntii cirka ee toddobaadkii hore…

Wargeyska Daily Mail ee dalka UK ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntii cirka ee toddobaadkii hore ka dhacday Soomaaliya lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasoo la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista argagixiso loogu talagalay fulinta weeraro ka dhaca dalalka Galbeedka.

Shaqsiyaadka la beegsaday ayaa la sheegay inuu kamid ahaa nin magaciisa lagu sheegay Ahmed Maeleminine, oo ah sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka, maalgelinta, iyo hoggaaminta howlgallada dibadda.

“Ninkani wuxuu qortay argagixiso ka kala yimid caalamka daafihiisa, wuxuuna u tababaray si ay u dilaan dad aan waxba galabsan, kadibna wuxuu dib ugu celiyay dalalka reer Galbeedka si ay halkaas uga fuliyaan weeraro Jihaadi ah oo ka dhaca in ka badan hal waddan,” wxaaa sidaas yiri Sebastian Gorka, oo ah agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagaxisada ee maamulka Trump.

Ka sokow duqaymihii Maraykanka iyo Imaaraadku ka fuliyeen buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaa jira ku dhawaad 100 ajaaniib ah oo ciidamada difaaca Puntland ku dileen furimaha hore ee dagaalka.