Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ka soo saartay cutubyo katirsan ciidanka…

Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ka soo saartay cutubyo katirsan ciidanka difaaca oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa bartamaha Magaalada.
Ciidankaan oo katirsanaa kuwa PMPF oo ku gaashaaman 10 gaari oo kuwa dagaalka ah, oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ciidamadaan ayaa 12-kii July gaarey Dhahar si ay u xoojiyaan ciidanka Daraawiishta gobolka Haylaan oo diriri dhexmartay ciidamo taabacsan siyaasiyiin xilal kahaya DFS oo qayb ka ah dhismaha maamulka KHATUMO.
Odayaasha deegaanka ayaa ku guuleystay inay xiisada dejiyaan, sidoo kalena ay kala qaadaan labada ciidan, iyadoo ammaanka magaalada lagu wareejiyey ciidanka booliska dowladda Puntland.



