Ciidanka ammaanka gobolka Sool ayaa saaka bandaw muddo shan saacadood ah geliyey Magaalada Laascaanood ee xarunta…

Ciidanka ammaanka gobolka Sool ayaa saaka bandaw muddo shan saacadood ah geliyey Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia.
Qoraal ka soo baxay taliska qaybta booliska gobolka Sool ee maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 6da subnimo ilaa 11-ka barqanimo ee Maanta oo Isniin ah ay bandaw tahay Magaalada Laascaanood aysana shaqayn karin xarumaha ganacsiga iyo waxbarashadu sababo la xiriira isu soo baxa roob-doonta.
Hoos ka akhriso
Taliska Booliska Maamulka Waqooyi Bari wuxuu ogeysiinayaa ganacsatada, darawallada gaadiidka iyo dhammaan bulshada in berri oo Isniin ah, 15 December 2025, la gelinayo bandow saacado kooban ah sababo la xiriira Salaadda Roob-doonta.
Bandowga ayaa bilaaban doona 6:00 subaxnimo ilaa 11:00 subaxnimo. Inta uu bandowgu socdo waxaa la farayaa ganacsiyada iyo gaadiidka in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa, isla markaana si buuxda ugu hogaansamaan amarka ciidanka.
Taliska Boolisku wuxuu adkaynayaa muhiimadda ay leedahay la shaqaynta ciidanka amniga, si loo sugo kala dambayn iyo nabadgelyo, loogana fogaado wax kasta oo carqalad gelin kara fulinta amarkan.



