Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddello…

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddello culus oo ku saabsan qaar kamid ah talisyada hay’adda, taasoo si gaar ah u taabaneysa talisyada muhiimka ah sida Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde, iyo Taliska Ilaalada Shacabka.
Taliyihii NISA ee Garoonka Aadan Cadde Cabdulqaadir Xaayow ayaa xilka laga qaaday, waxaana dib loogu soo celiyay Hamdi Xasan, oo horey u soo qabatay xilkan.
Taliyaha Ilaalada Shacabka ee loo yaqaano (Dharcada) Ibraahim Hiraabe , ayaa booskiisii si rasmi ah loogu magacaabay Macallin Salaax, oo horey u soo qabtay xilkan.
Sidoo kale Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa Raage Cali Maxamed u magacaabay Agaasimaha Howlgalada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugida Qaranka ee NISA.