Wararka ka imaanaya gobolka xeebta Raas-Casayr ayaa sheegaya in maanta lagu dhacay hubkii fudud oo laga…

Wararka ka imaanaya gobolka xeebta Raas-Casayr ayaa sheegaya in maanta lagu dhacay hubkii fudud oo laga soo aruuriyey shacabka kuwaas oo horay ugala degay Markabka Seaworld, ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in koox hubaysan ay weerareen goob hubka lagu keydiyay.
Markabka Seaworld ayaa bilowgii sanadkan lagu qabtay deegaanka Bareeda, waxaana uu siday hub iyo gaadiid ciidan. Puntland ayaa markabkan la wareegtay, balse markii dambe dib loo fasaxay kaddib markii heshiis laga gaaray.
Hubkii laga dejiyey Seaworld wakhtigaas wuxuu u gacan galay shacabka qaar, taasoo keentay in dowladda Puntland ay bilowdo olole ballaaran oo dib lagu uruurinayo. Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo kala duwan ku soo qabtay hub badan.
Dhacdada maanta ka dhacday Raas-Casayr ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan ammaanka hubka dowladda haysatay. Maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay inay baaritaan wadaan si loo ogaado cidda ka dambeysay iyo halka hubku ku danbeeyay.



