Guriga Wasiirka Camara ee ku yaalla magaalada Kati ayaa la weeraray iyadoo ay jiraan weerarro isku mar ah oo shalay dalka oo dhan ka dhacay.

Wasiirka Difaaca Mali, Jeneraal Sadio Camara, ayaa la dilay intii lagu jiray weerarro isku dubaridan oo lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla dalka oo dhan, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Warbaahinta.
Warkan oo soo baxay maanta oo Axad ah maalin kadib markii hoygiisa ku yaalla magaalada Kati la weeraray, xilli weerarro isku mar ah ay sabtidii shalay qaadeen koox xiriir la leh al-Qaacida iyo fallaagada Tuareg.
Camara wuxuu ahaa shaqsi muhiim ah oo ka tirsan dowladdii militariga ee talada la wareegtay kadib afgembiyadii dhacay 2020 iyo 2021.
Wuxuu kamid ahaa dadka ugu saameynta badan hoggaanka militariga ee talada haya, dadka qaarna waxay u arkayeen inuu noqon karo hoggaamiye mustaqbalka.
“Geeridiisu waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday ciidamada qalabka sida ee dalka.”
Weeraryahannadu waxay fuliyeen qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, kaas oo lagu beegsaday hoyga Camara ee Kati—magaaladaasi oo xarun u ah ciidanka ayaa si adag loo ilaaliyaa, waxayna qiyaastii 15km (9 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Bamako.
Rag hubeysan ayaa sidoo kale weeraray meelo kale oo badan oo dalka ku yaalla, oo ay ku jiraan magaalooyinka Gao iyo Kidal ee waqooyiga, iyo magaalada bartamaha dalkaasi ee Sevare.



