Maraakiib dagaal oo Turkigu leeyahay oo galbinaya markab kalluumeysi oo ku wajahan Somalia.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday in laba markab dagaal oo ka tirsan Ciidanka…

5 November, 2026

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday in laba markab dagaal oo ka tirsan Ciidanka Badda Turkiga, TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım, ay ku sii jeedaan magaalada Muqdisho, iyagoo galbinaya markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Mustafa Korkmaz A.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Ankara laguna baahiyey warbaahinta baraha bulshada ayaa lagu sheegay in labada markab ee nooca dagaalka ah ay markabka kalluumeysiga siinayaan ilaalin iyo galbin amni inta uu ku safrayo biyaha Soomaaliya.

Markabka Mustafa Korkmaz A ayaa la qorsheynayaa inuu sahamin iyo kalluumeysi tijaabo ah ka sameeyo Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), kaas oo ah dhul-badeedka ay Soomaaliya ku leedahay xuquuqda gaarka ah ee sahaminta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sidoo kale tilmaantay in socdaalka maraakiibtan uu qeyb ka yahay isku-beddelka howlgalka Ciidanka Badda Turkiga ee Soomaaliya, kaas oo loo yaqaan Somali Naval Task Group.