Kooxo burcad-badeed hubeysan ayaa weerarro ku qaaday laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed…

Kooxo burcad-badeed hubeysan ayaa weerarro ku qaaday laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha bari ee Soomaaliya, xilli ay labadaasi markabba ka badbaadeen isku dayo lagu doonayay in lagu qabsado.
Markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo wata calanka Panama ayaa la sheegay in 15-kii Juun ay u soo dhowaadeen rag hubeysan oo saarnaa doon yar xilli uu marayay koonfurta xeebaha Yemen, waxaana sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech, kooxdu waxay rasaas culus ku furtay markabka, balse shaqaalihii saarnaa ayaa kordhiyay xawaaraha markabka isla markaana qaaday tallaabooyin amni oo ka hortagay in la qabsado.
Dhanka kale, markab kale oo xamuul guud sida kuna socdaalayay calanka Palau ayaa lagu weeraray meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari, waxaana rasaas ku furay doonood oo ay saarnaayeen ilaa 12 nin oo hubeysan oo ku amray inuu istaago si ay ula wareegaan, kahor inta aysan kooxda ilaalada gaarka ah ee saarneyd markabka ku samayn iska-caabbin sababtay inuu badbaado.
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay inay baaritaanno ku waddo dhacdooyinkan, waxayna maraakiibta ku sugan aagga uga digtay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.



