Maraykanka ayaa joojiyey fiisaha muwaadiniinta Koonfurta Suudaan

6 April, 2025

Jimcihii la soo dhaafay, maamulka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay dhammaan fiisihii uu siin jiray muwaadiniinta Suudaanta Koonfureed, taasoo jawaab u ah diidmada joogtada ah ee xukuumadda Juba ee ah in ay qaabilaan muwaadiniinteeda oo uu Mareykanka ka soo saaray amarro lagu musaafurinayo.

Sida laga soo xigtay wargeyska New York Times, go’aankan adag ayaa yimid ka dib isku dayo isdaba joog ah oo lagu doonayay in lagu qanciyo maamulka Koonfurta Suudaan inay aqbalaan muwaadiniintooda laga tarxiilay gudaha Maraykanka.

Tani waa waxa Washington ay u aragto ku xadgudubka iskaashiga caalamiga ah ee faylka socdaalka.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ciqaabahaan ay hoos imaanayaan sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha, kaasoo u ogolaanaya Mareykanka inuu soo rogo xayiraad dhanka fiisaha ah marka uu waddan diido inuu qaabilo muwaadiniintiisa la tarxiilay.

Sanadihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa isku dayay inuu soo tarxiilo tiro muwaadiniin u dhashay Koonfurta Suudaan, kuwaasoo qaarkood lagu helay dambiyo, balse xukuumadda Juba ayaa diiday inay bixiso dukumeentiyada socdaalka, taasoo caqabad ku noqotay fulinta go’aannada masaafurinta.

Inkasta oo ay soo noqnoqdeen xidhiidho diblamaasiyadeed, haddana wax horumar ah oo la taaban karo lagama gaadhin.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa yiri, “Dowladda Koonfurta Suudaan waxay si joogto ah u iska indho-tirtay waajibaadkeeda caalamiga ah mana aysan ka go’an inay soo celiso muwaadiniinteeda.”

Horseed Media