Maraykanka & Israel oo duulaan wadajir ah ku qaaday Iran.

28 February, 2026

Warbaahinta gudaha dalka Iran ayaa soo werinaysa in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalooyinka Tehran, Isfahan, Qom,…

Warbaahinta gudaha dalka Iran ayaa soo werinaysa in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalooyinka Tehran, Isfahan, Qom, Karaj, iyo Kermanshah, kadib markii ay weeraro ku ekeeyeen ciidamada Yuhuudda oo taageero ka helaya Maraykanka.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen weerar ka hortag ah oo ka dhan ah Iiraan, xilli ay socdeen dedaalo lagu heshiisiinayo Tehran iyo Washington.

Israel Katz ayaa sheegay in weerarrada la fulinayay si meesha looga saaro hanjabaadaha iyo awoodda Iran, halka goobjoogayaal ku sugan Tehran ay sheegeen inay maqleen qaraxyo.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ka qayb qaadanaya weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Associated Press.