Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

4 June, 2026

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka…

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka sii daraya magaalada Muqdisho, kaddib dagaalladii iyo iska horimaadyadii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedyo iyo hadallo diblomaasiyadeed oo ay soo saareen ayaa lagu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan nabadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan. Waxay sidoo kale ku baaqeen in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay muujiyaan is-xakameyn si looga fogaado xaalad amni darro oo sii fida.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa xusay in xasilloonida Muqdisho ay muhiim u tahay dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan iyo horumarka dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxay ka digeen in colaadaha siyaasadeed ay carqaladeyn karaan guulihii laga gaaray amniga iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.