Maraykanka iyo Iran oo gaarey xabad joojin laba todobaad ah.

8 April, 2026

Waddamada Maraykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan, muddadaas oo…

Waddamada Maraykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan, muddadaas oo gaadiidka maraakiibta loo ogolaan doono marinka Hormuz.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo dhexdhexaadinayey wada xaajoodyada, ayaa sheegay goor hore oo Arbacada ah in xabbad joojinta ay si degdeg ah u dhaqan gashay lana qaatay go’aamo waxku ool ah, sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabdaan ayaa ku soo aaddey iyadoo hal bil ka badan laga joogo xilligii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro xiriir ah ku qaadeen Iiraan, saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay “xadaarad dhan ayaa dhiman doonta caawa”.

Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social, Trump waxa uu ku sheegay in uu aqbalay xabad joojinta ku meel gaarka ah sababta oo ah “waxa aanu horay u gaarnay oo aanu dhaafnay dhamaan ujeedooyinkii militariga ee aan lahayn”.