Maraykanka iyo Iran oo gaarey xabad-joojin lagu xakamaynayo dagaalka Bariga dhexe.

29 May, 2026

Dalalka Maraykanka iyo Iran gaarey heshiis cusub oo lagu kordhinayo xabbad-joojinta horey u dhexmartay labada dhinac,…

Dalalka Maraykanka iyo Iran gaarey heshiis cusub oo lagu kordhinayo xabbad-joojinta horey u dhexmartay labada dhinac, kadib wada-hadallo diblomaasiyadeed oo maalmihii lasoo dhaafay socday, si loo xakameeyo xiisadda Bariga dhexe iyo xayiraadda Marin-biyoodka Hormuz.

Heshiiska cusub ayaa la sheegay inuu daba socdo xabbad-joojin laba toddobaad ah oo bishii hore lagu gaaray dhex dhexaadin ay wadday dowladda Pakistan, iyadoo Trump uu xilligaas hakiyay qorshe weerarro culus oo ka dhan ahaa kaabeyaasha Iran, halka Tehran ay oggolaatay in la bilaabo wada-hadallo rasmi ah oo xal waara looga gaarayo colaadda.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in labada dhinac ay isku afgarteen in la sii wado degganaanshaha gobolka, iyadoo Iran ay weli ku adkeysaneyso qodobo ay kamid yihiin in aan mar kale la weerarin, in la qaado cunaqabateynta dhaqaalaha, iyo in si buuxda loo joojiyo weerarrada ka socda dalalka ay xulafada la tahay Tehran.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhankeeda ogolaatay in laga wada xaajoodo furitaanka iyo sugidda amniga Marin-biyoodka caalamiga ah ee Hormuz, oo xirnaanshihiisu siweyn u dhaawacay dhaqaalaha caalamka.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Israa’iil iyo ururka Hezbollah ay sidoo kale qeyb ka yihiin heshiisyada lagu dejinayo xiisadda gobolka, inkastoo weli ay jiraan cabsi ku saabsan in dagaallo cusub ay dib uga qarxaan Bariga Dhexe.