Maraykanka iyo Iran oo Rome kaga wada xaajoonaya arrimaha Nukliyeerka.

23 May, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa u ambabaxay magaalada Rome si uu uga qeyb galo…

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa u ambabaxay magaalada Rome si uu uga qeyb galo wareegii 5-aad ee wada xaajoodka tooska ah ee Mareykanka ka yeelanayaan arrimaha Nukliyeerka.

Wasiirka ayaa ugu horrayn kulamo la yeelan doona ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, isagoo ku sugan caasimadda Talyaaniga iyadoo uu dhexdhexaadinayo wasiirka arrimaha dibadda Cumaan Sayid Badar al-Busaydi.

Waftiga wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa waxa ay ka kooban yihiin khubaro dhanka sharciga, siyaasadda, bangiyada iyo maaliyadda oo dubra gaarey Magaalada Rome.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran waxa uu sheegay in la joogo xilligii la go’aansan lahaa xalka arrimaha Nukliyeerka isagoo muujiyey inaysan marna diyaar u ahayn in dalkiisa lagu cadaadiyo in la duudsiyo xuquuqdooda haysashada hubka wax gumaada.