Maraykanka iyo Israa’iil oo xoojiyey duqaymaha Qasa iyo Yemen.

21 April, 2025

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa 31 ruux ku diley duqaymo ka dhacay marinka Qasa iyo dalka Lubnaan,…

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa 31 ruux ku diley duqaymo ka dhacay marinka Qasa iyo dalka Lubnaan, xilli ay burbureen dhammaan dedaaladii nabadda ee lagu badbaadin lahaa bulshada deegaamadaasi.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa meesha ka saaray natiijada baaritaan milatari oo Israel ay ku sameeyeen dilka 15 shaqaale degdeg ah bishii hore, waxayna ku baaqeysaa baaritaan madax banaan oo ay sameyso Qaramada Midoobay.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51,201 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,869 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.

Dhanka kalena, ciidamada Mareykanka ayaa duqaymo waaweyn ka geystey suuq caan ah oo ku yaala Yemen, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 12 qof, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo goob joog ah.