Maraykanka iyo Ruushka oo wadahadal ku yeelanaya Riyadh

18 February, 2025

Diblumaasiyiin sarsare oo Maraykan iyo Ruush ah ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan dalka Sacuudiga si ay uga wadahadlaan joojinta dagaalka Ukraine iyo dib u soo celinta xiriirka dalalkooda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa la kulmi doona dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov maanta oo Talaado ah dalka Sucuudiga, si ay wadahadallo ballaaran u yeeshaan, kuwaasoo la filayo in diiradda lagu saaro dagaalka Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in wadahadalladan ay yihiin kuwo lagu diyaarinayo wada xaajoodyo suurtagal ah oo lagu xallinayo khilaafka Ukraine iyo kulan dhexmari doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin.

Wakiilo ka socda Ukraine iyo dalalka Yurub midkoodna laguma casuumin wada-hadallada ka socda Sacuudiga.

In kasta oo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy sidoo kale la filayo inuu booqdo magaalada Riyaad si uu wadahadal ula yeesho madaxda Sucuudiga, haddana waxa uu sheegay in aan lagu casumin wadahadalka Rubio-Lavrov ee Ukraine.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wada xaajood kasta oo ku saabsan xallinta colaadda uu dhici karo oo keliya iyadoo ay ka qaybqaadanayso dowladda Ukraine.

Midowga Yurub oo ka walaacsan wadahadalka Mareykanka & Ruushka

Hogaamiyeyaasha Yurub ayaa Isniintii shalay ku kulmay magaalada Paris shir deg deg ah oo ay kaga hadlayaan istaraatiijiyad mideysan kadib markii Trump uu si lama filaan ah ugu baaqay wadahadal deg deg ah kadib wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin asbuucii hore.

Waxay muujiyeen inay “diyaar u yihiin” inay bixiyaan dammaanad ammaan mustaqbalka Ukraine, “waxay kuxirantahay heerka taageerada Mareykanka.”

Waxay sidoo kale ku adkeysteen in aan wax heshiis ah oo ku saabsan Ukraine aan laga gaari karin iyagoo ka maqan miiska wadahadalka.