Maraykanka oo agab kor u qaadaya dagaalka argagixisada ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka

8 May, 2025

Dowladda Maraykanka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay agab ay kamid yihiin Computers, kuwaas oo looga talogalay ciidamada xoogga dalka ee ku jira dagaalka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo agabkan la wareegtay ayaa uga mahadcelinaysay Danjire Richard Riley iyo Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

“Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhoweynaysaa taageerada agabka ee maanta la guddoonsiiyay Ciidamada Kumandoosta Danab, taasoo si weyn kor ugu qaadaysa xirfadohooda howlgal ee la-dagaallanka argagixisada, kana caawinaysa kordhinta awoodda Ciidanka Qaranka ee wax ka qabashada caqabadaha amniga dalka.

“Iskaashiga xooggan ee labada dal wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta awoodda ciidankeena, sare u qaadista isla xisaabtanka, iyo gaaridda isku filnaanta amni.”ayaa lagu yiri; war qoraal ah oo lagu daabacay barta wasaaraddda gaashaandhigga DFS.

Horseed Media