Taliye ku-xigenka Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) Danjire Rebert Scott, ayaa si…

Taliye ku-xigenka Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) Danjire Rebert Scott, ayaa si weyn u amaanay ciidamada Puntland isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad iyo kaalinta Maraykanka.
Danjire Rebert Scott oo la hadlay warbaahinta Fox News ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada difaaca Puntland ay burburiyeen awooddii kooxda Daacish ee ku sugnayd buuraleeyda Cal-miskaad oo katirsan gobolka Bari.
“Waxay dib ula wareegeen dhul ballaaran, run ahaantii waa saaxiibo la isku halayn karo kuwaasi (Puntland), Anaguna waxaan ku taageernay wadaagista xogta sirdoonka, kormeer iyo sahmin iyo sidoo kale weerarro duqeymo cirka ah. Inta badan dhulkii ay ISIS Soomaaliya hore uga talin jirtay ee ku yaallay Puntland oo ah maamul iskiis u madaxbannaan oo ku yaalla Waqooyi-Bari Soomaaliya hadda waxa gacanta ku haya ciidamada difaaca Puntland”,” ayuu Scott yiri. “, Ayuu yiri Taliye Scott.
Taliska Maraykanka ayaa intaas ku daray,“Dagaalka kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee Soomaaliya, keliya gacan nagama siiyaan dowladaha deriska ee Kenya, Itoobiya iyo Uganda balse Puntland, Jubbaland & Somaliland ayaa noqday la-howlgalayaal wax-ku-ool ah oo ka qayb-qaata dagaalka ka dhan ka ah kooxaha argagixisada.”



