Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka ay dekedahooda uu kajiro walaaca la xiriira tallaabooyinka…

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka ay dekedahooda uu kajiro walaaca la xiriira tallaabooyinka amniga iyo ka hortagga argagixisada, iyadoo maraakiibta ganacsiga ee ka yimaada dekedaha Soomaaliya ku soo rogtay shuruudo dheeraad ah kahor inta aysan ku soo xiran dekedaha Maraykanka.
Go’aankan ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Mareykanka 27-kii Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in qiimaynta Maraykanku ay muujinayso in dekedaha Soomaaliya aysan lahayn tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortago falalka argagixisada.
Shuruudahan ayaa si gaar ah u khuseeya maraakiibta ganacsiga ee mid ka mid ah shantii dekedood ee ugu dambeysay ee ay ku xirteen ay ahayd deked ku taalla Soomaaliya, ka hor inta aysan imaan Mareykanka, iyadoo maraakiibta lagu amray inay xoojiyaan ilaalinta goobaha laga soo galo, hirgeliyaan tallaabooyin amni oo dheeraad ah, diiwaangeliyaan howlaha amniga, isla markaana ogeysiiyaan hay’adaha Ilaalada Xeebaha Mareykanka ka hor imaanshahooda.
Arrintaan ayaa saraakiisha Maraykanka siinaysa awood ay ku kormeeraan maraakiibta si loo hubiyo inay buuxiyeen shuruudaha cusub. Maraakiibta aan u hoggaansamin waxaa laga yaabaa in dib loo dhigo ama loo diido inay galaan dekedaha Mareykanka.




