Maraykanka oo baahiyey muuqaalka xubno katirsan Daacishta Somalia oo duqayn lagu diley.

21 May, 2025

Dowladda Maraykanka ayaa baahisey xogta malayshiyaad katirsan Cal-miskaad oo duqayn lagu khaarajiyey hal goob oo kutaalla…

Dowladda Maraykanka ayaa baahisey xogta malayshiyaad katirsan Cal-miskaad oo duqayn lagu khaarajiyey hal goob oo kutaalla gudaha buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada ee aqalka Cad ayaa muujinaya 10 xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo lagu diley duqayn, iyadoo la raaciyey in dhammaan xubnahaasi la diley aysanna ka baxsan goobta.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ka badan 100 xubnood oo katirsan Daacish lagu diley duqaymo kala duwan tan iyo markii uu bishii January Madaxweyne Trump amarka ku bixiyey weerarada lagu burburinayey Awoodda Daacish ee Somalia.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ka wada hawlgallo lagu soo afmeerayo dhaqdhaqaaqa kooxda Daacish.