Mareykanka ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay in uu cunaqabatayn kusoo rogay Wasiirka Maaliyadda Suudaan Jibriil Ibraahim iyo Cutubka “Al-Baraa bin Malik” oo dagaalka ka taageera ciidanka Suudaan, iyaga oo ku eedeeyay ka qayb qaadashada qalqal gelinta xasilloonida gudaha dalka.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ku sheegtay in cunaqabatayntu lagu beegsanayo ka qaybgalayaal Islaami ah oo reer Suudaan ah, kuwaas oo kala ah wasiir Ibraahim iyo cutubkan, sababo la xiriira doorkooda wax u dhimista nabadda iyo xasilloonida Suudaan.
Bayaanku waxa uu intaas ku daray in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in la yareeyo saameynta Islaamiyiinta Suudaan, laguna xakameeyo dhaqdhaqaaqyada gobolka ee Iiraan, taas oo uu ku eedeeyay inay door weyn ku lahayd kicinta colaadaha iyo kordhinta silica shacabka.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa tilmaantay in waxa ay ugu yeertay Islaamiyiinta Suudaan ay door muuqda ku lahaayeen xilligii uu xukunka hayay madaxweynihii hore Cumar al-Bashiir (1989–2019), isla markaana ay dhawaan kaalin ku yeesheen fashilka geeddi-socodka kala guurka dimuqraadiyadda, taas oo sababtay qarxinta dagaalka dhex maray ciidanka qaranka iyo ciidanka taageerada degdegga ah, bishii Abriil 2023.
Bayaanku waxa uu ku eedeeyay shakhsiyaadka Islaamiyiinta ah inay caqabad ku yihiin dadaallada lagu joojinayo xabbad-joojinta iyo dhamaynta dagaalka, sidoo kalena ay xoojiyeen xiriirkooda ay la leeyihiin Iiraan oo ay ka heleen taageero farsamo, isaga oo adkeeyay in cunaqabatayntu ujeedadeedu tahay in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta fidiyay fowdada iyo burburka Suudaan iyaga oo kaashanaya Tehran.
Jibriil Ibraahim waxa uu haatan haya xilka Wasiirka Maaliyadda, isaga oo sidoo kalena ah hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Caddaaladda iyo Sinnaanta (JEM), oo saxeexay Heshiiskii Nabadda Juba 2020, balse haatan dagaalka ka garab socda ciidanka Suudaan.
Mareykanka ayaa hore u shaaciyay in ay dhaqan galeen cunaqabataynta la xiriirta isticmaalka hubka kiimikada ee Suudaan, taas oo bilaabatay 27-kii Juun ee la soo dhaafay. Cunaqabatayntan ayaa ku fidsan gargaarka la bixiyo iyadoo la raacayo Sharciga Gargaarka Dibadda, maalgelinta iibka hubka, taageerada dhaqaale ee dawladda, iyo dhoofinta badeecadaha iyo tignoolajiyada.
Sidoo kale, cunaqabatayntu waxay ku jirtaa in la diido in Suudaan la siiyo deyn, dammaanad deyn, ama caawimaad dhaqaale oo kale oo ka timaadda waax ama hay’ad ka tirsan dowladda Mareykanka, oo ay ku jirto Bangiga Dhoofinta iyo Soo Dejinta ee Mareykanka (U.S. Exim Bank).
Horseed Media



