Warbaahinta gudaha dalka Maraykanka ayaa baahisay in diyaaradaha dagaalka ee B-1B Lancer loo raray gobolka, iyadoo…

Warbaahinta gudaha dalka Maraykanka ayaa baahisay in diyaaradaha dagaalka ee B-1B Lancer loo raray gobolka, iyadoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu diyaarinayo qorshayaal lagu kordhinayo cadaadiska militari ee lagu saarayo Iran.
Diyaaradahan oo awood u leh inay qaadaan tiro badan oo bambooyin culus ah ayaa la filayaa in loo adeegsado weerarro lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada militariga, xarumaha kaydka hubka iyo goobaha istaraatiijiga ah ee Iran. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiisadda labada dal ay sare u kacday, isla markaana ay sii kordhayaan digniinaha ku saabsan suurtagalnimada dagaal ballaaran oo gobolka ku fida.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in ujeeddada hawlgalladan ay tahay in lagu wiiqo awoodda militari ee Iran iyo kooxaha ay taageerto ee ka hawlgala dalalka Bariga Dhexe. Dhanka kale, dowladda Iran ayaa ku hanjabtay inay si adag uga jawaabi doonto weerar kasta oo lagu qaado dhulkeeda, iyadoo sheegtay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin difaac iyo jawaab celin xooggan.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in dagaalka Mareykanka iyo Iran uu ilaa hadda ku kacay ku dhowaad $37.5 bilyan, iyadoo Pentagon-ku uu Congress-ka ka dalbanayo maalgelin dheeraad ah oo gaareysa $87 bilyan.




