Maraykanka oo doonaya inuu hubka-dhigis ku sameeyo dagaalyahanada Xamaas.

15 October, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa wada qorshe hubka dhigis loogu samaynayo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas, kadib…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa wada qorshe hubka dhigis loogu samaynayo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas, kadib xabad-joojin ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Trump, waxa uu caddeeyey in qorshaha Maraykanku uu yahay in sida ugu dhaqsaha badan hubka dhigis loogu sameeyo Xamaas, welib hab rabshadaysan haddii ay diidaan qorshaha uu dejiyey.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Xamaas ay u sheegeen inay hubka dhigi doonaan, taas oo qeyb ka ah heshiiskiisa xabad joojinta, isagoo muujiyey niyadsamida uu ku qabo arrinkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Maamulka Yuhuudda Benjamin Netanyahu, oo wareysi uu siiyay CBS news ku sheegay, inay aad u caddahay in marxaladda xigta ee qorshaha nabadda Gaza inay tahay in marinkaasi laga dhigo goob aan ciidamo lahayn oo hubka laga dhigo Xamaas.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in taasi si nabad ah loo sameyn karo laakiin ay tahay in ay hubiyaan inaysan jirin warshado hub ah gudaha Gaza, iyo in aan hub la so gelin Falastiin.