Duqaymaha ku socda Magaalada Isfahan ee Iran ayaa muujinaya in bartilmaameedyada ugu muhiimsan ay noqdeen Warshadaha…

Duqaymaha ku socda Magaalada Isfahan ee Iran ayaa muujinaya in bartilmaameedyada ugu muhiimsan ay noqdeen Warshadaha gantaallada ee dhaca buuraha Safa iyo garoonka milatari ee Badr (Badr Airbase), xilli Turmp ku goodinayo inuu soo afmeerayo awoodda Iran.
Warbaahinta gudaha Iran ayaa sheegaysa in weerarrada noocan ah ay si joogto ah u beegsanayaan aagag xasaasi ah, iyadoo lagu beegsanayo hubka culus ee dhulka hoostiisa waxku burburiya.
Dhanka kalena, Wakaaladda Warar ee AP ayaa werinaysa in dalalka Imaaraatka, Sacuudiga, Kuwait iyo Bahrain ayaa ku cadaadinayaan Donald Trump inuu amro duullaan dhul ah oo lagu qaado gudaha Iran, si loo burburiyo xukunka Tehran.
Saraakiil ka socda dalalkaasi oo yeeshay kulamo albaabadu u xirnaayeen ee dhinacyadan dhexmaray in ay Mowqifkooda ku cadeeyeen ah , inay ka soo horjeedaan in la joojiyo howlgalka ilaa laga gaaro isbedel muuqda oo ku yimaada hoggaanka dalka Iiraan.




