Maraykanka oo duqaymo ku qaaday dalka Yemen

16 March, 2025

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 13 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu adeegsan doono “xoog militari” ilaa ay Xuutiyiinta joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku sugan badda cas.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in duqaymo cusub lagu qaado Yemen Sabtidii, iyadoo ugu yaraan 13 qof la sheegay in lagu dilay howlgal socon kara maalmo.

Trump ayaa ku dhawaaqay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, isagoo ka jawaabaya go’aankooda ku aadan inay dib u bilaabaan weeraradii ay ku qaadeen maraakiibta xamuulka ee u dhow badda cas.

“Waxaan isticmaali doonaa awood halis ah ilaa aan ka gaareyno ujeeddadayada,” Trump ayaa soo dhigay bartiisa bulshada.

“Xuutiyiintu waxay ku ceejiyeen dhaq-dhaqaaqa mid kamid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan adduunka, iyagoo joojinaya ganacsigii adduunka oo dhan, waxayna weerareen xorriyadda socodka oo uu ku tiirsan yahay ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri Trump.

Wakaaladaha wararka ee Associated Press iyo Reuters ayaa sheegay in duqeymaha ay sii socon karaan maalmo, iyagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Mareykanka oo magaciisa qariyay oo aan fasax loo siinin inuu saxaafada la hadlo.