Mareykanka ayaa weerarro cirka ah ku qaaday qaar kamid ah saldhigyada militari ee ku yaalla koonfurta…

Mareykanka ayaa weerarro cirka ah ku qaaday qaar kamid ah saldhigyada militari ee ku yaalla koonfurta dalka Iran, iyadoo wararku sheegayaan in weerarradaasi lala beegsaday xarumo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka Iran iyo goobaha lagu kaydiyo gantaallada.
Warbaahinta gudaha Iran ayaa sheegtay in duqeymaha ay si gaar ah uga dhaceen gobolka Hormozgaan iyo deegaanno kale oo koonfurta Iran ah, halkaas oo laga maqlay qaraxyo waaweyn iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan, iyadoo dowladda Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo Israa’iil inay si wadajir ah u wadaan “duullaan qorsheysan” oo lagu wiiqayo awoodda militariga Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid lagu bartilmaameedsanayo awoodaha gantaallada iyo xarumaha ay Iran ka abaabusho weerarrada gobolka, isagoo ku hanjabay in Mareykanku sii wadi doono weerarrada haddii Iran aysan joojin taageerada ay siiso kooxaha hubeysan ee gobolka iyo horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka.
Dhankeeda, Iran ayaa ku dhawaaqday inay jawaab adag ka bixin doonto weerarradaasi, iyadoo ciidamada Iran ay sare u qaadeen heeganka guud ee dalka, ayna bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub, islamarkaana ay diyaarisay weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah oo ka dhan ah saldhigyada Mareykanka ee gobolka Khaliijka.
Xiisaddan cusub ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaalku ku fido guud ahaan Bariga Dhexe, gaar ahaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz oo ay maraan maraakiibta shidaalka caalamka, xilli la naawilayey wada hadalada nabaddu inay miro-dhalaan lana gaaro heshiis xabad joojin 60 cisho ah.




