Maraykanka oo duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade ee duleedka Boosaaso.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa habeenimadii xalay duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga…

24 August, 2025

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa habeenimadii xalay duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan mileedhiyaadka Daacish.

Duqaymahaan oo fiidnimadii xalay ka dhacay aagga Maraagade, ayaa lala beegsaday godad ay ku dhuumaalaysanayaan firxadka Daacish, oo la rumaysan yahay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo Soomaali ah.

48-dii saac ee la soo dhaafay ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgal culus ka fuliyey laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, halkaas oo lagu diley xubno katirsan kooxda Daacish.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish ee ku go’doonsan Cal-miskaad aysan ka badnayn 100 dagaalame oo dhuumaalaysi ugu jira godad iyo deegaamo aad u durugsan.