Maraykanka oo duqaymo horleh ka fuliyey duleedka Boosaaso.

Taliska hawlgalka Maraykanka Qaaradda Africa ee (AFRICOM) ayaa faahfaahin ka bixiyey duqaymo cirka ah diyaaradohooda dagaalku…

7 October, 2025

Taliska hawlgalka Maraykanka Qaaradda Africa ee (AFRICOM) ayaa faahfaahin ka bixiyey duqaymo cirka ah diyaaradohooda dagaalku ka fuliyeen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, xilli maamulka Trump uu sii wado duqaymaha uu la beegsanayo kooxaha nabaddiidka ah.

Qoraal kooban oo ka soo baxay hawlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in lagu bartilmaameedsaday malayshiyaad katirsan ISIS oo ku sugnaa meel 37 mayl (qiyaastii 60 km) u jirta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Maraykanka ayaa Puntland siweyn uga taageera dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, maaddaama aysan wax taageero ah ka helin dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Duqayntii ugu dambaysay ayaa ahayd middii 81-aad ee Maraykanku ku qaado gudaha Soomaaliya sannadkan, iyadoo Maamulka Trump ayaa jebiyey rikoodhkii hore ee duqaymaha sanadkii hal mar la sameeyay, isagoo dhaafay 63 duqayn oo uu isagu sameeyay sanadkii 2019.