Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Daacish…

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Daacish oo farriisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
War-saxaafadeed qaab kooban loo dhigay oo ka soo baxay hawlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
“AFRICOM, oo garab ka helaya ciidanka qalabka sida ee Somalia ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan howlaha lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia, si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda”, Ayaa lagu yiri qoraalka.
Maraykanka wax faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhanka ah talisyada Daacish-ta ku dhuumaalaysata meelo ka mid ah buuraleyda Cal-maad, xilli ay Puntland qaadatay qorshe lagu go’doominayo firxadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya togga Baallade.



