Maraykanka oo duqaymo ka fuliyey duleedka Boosaaso.

8 July, 2025

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday godad kuyaalla togga Baallade oo dhinaca…

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday godad kuyaalla togga Baallade oo dhinaca koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen malayshiyaad katirsan kooxda argagixisada ahaa ee Daacish.

Duqaymahaan oo fiidnimadii xalay siweyn looga maqlay togga Baallade ayaa la sheegay in lala beegsaday horjoogayaal sarsare oo katirsan firxadkii Daacish oo dhawaan lagu jebiyey Miiraale.

Xogo dhanka ammaanka aya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in duqaymihii xalay lala beegsaday horjooge Cabdiraxmaan Faahiye oo hadda hoggaamiya goosankii ka fiigay Daacish.

Firxadkii Daacish ee lagu soo jebiyey togagga Jacayl, Miiraale iyo qaybo kamid ah Baallade ayaa hadda bilaabay inay ku dhuumaalaystaan deegaamo buuraleey ah, si ay uga dhuuntaan ciidanka dhulka iyo duqaymaha cirka ee is garab socda.