Maraykanka oo duqaymo la beegsaday dekedda Shidaalka Yemen iyadoo Xamaas ay diiday xabbad-joojin ‘KMG ah’

18 April, 2025

Mareykanka ayaa sanadkan kordhiyay duqeymaha uu ka geysanayo Yemen. Dhanka kale Xamaas ayaa sheegtay inay diidi doonto shuruudaha Israel ee xabbad joojinta “KMG” ah ee Gaza waxayna ku baaqeen in heshiis buuxa la gaaro.

Tobaneeyo qof ayaa la dilay ka dib markii ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen deked weyn oo shidaalka Yemen habeenkii Khamiista.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay weerarka ku qaadeen dekedda Ras Isa si ay u “hoos u dhigaan isha dhaqaale” ee maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

“Maanta, ciidamada Maraykanku waxay qaadeen tallaabo ay ku baabi’inayaan ishan shidaalka u ah argagixisada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto,” ayay CENTCOM ku sheegtay baraha bulshada.

“Weerarkan looguma talagelin in lagu waxyeeleeyo dadka Yemen, kuwaas oo si sax ah u doonaya in ay iska tuuraan xukunka Xuuthiyiinta oo ay si nabad ah ugu noolaadaan,” ayay raacisay.

Duqeymaha cirka ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay sheegtay warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta. Dhimashada waxaa ku jiray ugu yaraan shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta.

Waxaa sidoo kale jiray “50 qof oo dhaawac ah oo shaqaale ah oo ku sugnaa dekedda Saliida ee Ras Isa, ka dib gardarrada Maraykanka,” ayay wasaaraddu ku dartay.

Dhimashada ka dhalatay duqeynta lagu qaaday dekedda ku taalla galbeedka Yemen ayaa ka dhigan mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee ilaa hadda la gaarsiiyo tan iyo markii Mareykanka uu billaabay ololaha ka dhanka ah kooxda bishii hore.

Maraykanka ayaa sheegay in ololahan uu sii socon doono ilaa ay Xuutiyiintu joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta xamuulka ee badda cas iyaga oo ka aargoosanaya dagaalka ay Israel kula jirto Gaza.

Dhinaca kale, kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa diiday shuruudo uu ku xiray ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, si loo gaaro heshiis cusub.

Madaxa Xamaas ee Gaza ahna madaxa kooxda wada xaajoodka, Khalil Al-Hayya, ayaa sheegay in kooxdu aysan aqbali doonin xabbad-joojin “Kumeel Gaar ah”.

“Netanyahu iyo dowladiisa waxay u adeegsadaan heshiisyada qeyb ka ah inay gabaad ka dhigtaan ajandahooda siyaasadeed, kaasoo ku saleysan sii wadida dagaalka xasuuqa iyo gaajada, xitaa hadii uu hurayo dhamaan maxaabiistiisa (la haystayaasha),” ayuu Hayya ku yiri khudbad uu ka jeediyay telefishinka.

Hayyaa waxa uu sheegay in Xamaas ay diyaar u tahay in ay si degdeg ah u gasho “wada xaajood dhamaystiran” si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ku harsan xabsigeeda si loo soo afjaro dagaalka Gaza, siideynta Falastiiniyiinta ay Israel u xiray, iyo dib u dhiska Gaza.