Duqeynta Taliska AFRICOM ee Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro taliye sare

Ciidamada Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro taliye sare. Duqeymahan oo ay iska kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu beegsaday deegaan Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Kuyno Barrow Talaadadii, sida uu sheegay taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM.
Duqeynta ayaa ka dhacday Talaadadii meel qiyaastii 10 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kuyno Barrow, ee koonfurta Muqdisho , sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
“Taliska Africom waxa uu sii wadi doonaa qiimeynta natiijada howlgalka iyo bixinta macluumaad dheeri ah sida ugu habboon” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.
Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku bogaadisay “hawlgal qorsheysan ” oo ay “saaxiibada caalamiga ah” ka fuliyeen isla degmadaas.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgallada “si guul leh looga sifeeyay hoggaamiyihii kooxda argagixisada oo lagu magacaabo Maxamed Mire Jaamac, oo loo yaqaan Abuu Cabdiraxmaan, kaasi oo ka dhacay degmada Kuunyo-Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Maxammed Mire xilal kala duwan ayuu ka soo qabtey al-Shabaab, haatanna waxa uu ku magacownaa madaxa willaayaatka Islaamiga ah.
Washington waxay maalgalin ballaaran ku bixisay la dagaallanka argagixisada muddo dhowr iyo toban sano ah.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray muddo xileedkiisi hore 2016-2020 waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxayaan Soomaaliya.
HORSEED MEDIA