Maraykanka oo hoggaamiyayaasha Soomaalida ugu yeeray inay heshiis gaaraan.

23 February, 2026

War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa loogu baaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay sii…

War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa loogu baaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay sii wadaan wadahadalka iyo tanaasulka siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay in wada-hadalku uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

“Wadahadalka iyo tanaasulka waa arrimo adag, balse waa lama huraan, Waxaan ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan raadinta is-afgarad. Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan oo Soomaaliyeed wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiyaa dowlad-dhiska, isla markaana hormariya mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.”

Dhanka kalena, Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in wadahadalka iyo is-afgaradku ay adkaan karaan, balse ay yihiin kuwo lama huraan ah si loo gaaro xal waara, ayna dhinacyadu sii xoojiyaan geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan.

Ugu dambayntiina qoraalka ayaa lagu xusay in hannaan siyaasadeed oo mideysan uu ka hortagi karo argagixisada, xoojin karo dowlad-dhiska, isla markaana hormarin karo mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.