Dowladda Maraykanka ayaa siweyn uga carootay hadal ka soo yeeray safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Washington,…

Dowladda Maraykanka ayaa siweyn uga carootay hadal ka soo yeeray safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Washington, Ebrahim Rasool, oo dhaliilay hab-dhaqanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio ayaa go’aanka ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa X ( Twitter), ayaa sheegay in Rasool aan lagu soo dhaweyneynin wadanka Maraykanka, isaga oo ugu yeeray siyaasi kamid ah kooxaha cunsuriyiinta ah ee neceb Maraykanka weyn.
Rubio wuxuu ku daray, “Ma hayno wax aan kala hadalno isaga, sidaas darteed waxaa loo arkaa mid cunsuri ah”.
Rasool ayaa dhowaan sheegay in aragtida Trump ee GAA (Great America Again), saamaynta Elon Musk iyo madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance, ay qayb ka ahaayeen isbeddel caalami ah oo u adeegaya danaha walaaca dadka caddaanka ah oo kaliya.