Maraykanka oo ka hadlay doorkiisa la dagaalanka argagixisada geeska Afrika.

Dowladda Maraykanka ayaa markale ku celisey in kooxaha argagixisada Daacish iyo Alshabaab ay yihiin khatar weyn…

11 September, 2025

Dowladda Maraykanka ayaa markale ku celisey in kooxaha argagixisada Daacish iyo Alshabaab ay yihiin khatar weyn oo kajirta Somalia iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Safiirka Maraykana ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dhanka ammaanka ah ee uu ku bixinayo sidii loo soo afmeeri lahaa kooxaha nabaddiidka ah, si looga hortago khatartooda caalamiga ah & midda gobolka.

“Mareykanku muddo dheer ayuu ahaa xulufo muhiim u ah Soomaaliya iyo hawlgalka AUSSOM ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Argagixisadu waa khatar weyn oo ku wajahan Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kale,” Safiirka Maraykana ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Dib u doorashadii Madaxweyne Donald Trump ayaa meesha ka saartay balaayiin dollar oo Maraykanku bixin jirey dalal ay kujirto Somalia, inkasta oo uu qayb lixaad leh ka qaatay hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socda qaybo kamid ah buuraleeyda Cal-miskaad ee Bariga Puntland.