Maraykanka oo ka hadlay duqaymo ka dhacay duleedka Boosaaso.

26 August, 2025

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay togga Baallade ee degmada Boosaaso duqaymo culus kula beegsatay…

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay togga Baallade ee degmada Boosaaso duqaymo culus kula beegsatay xubno sarsare oo katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee (AFRICOM), ayaa lagu xaqiijiyey fulinta hawlgal lala beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen hoggaanka Daacish ee ku sugan buuraha Golis oo dhaca gobolka Bari ee Puntland.

“Duqeymahan dilaaga ah waxay muujinayaan siday nooga go’an tahay xaqiijinta in muwaadiniinta Maraykanka iyo saaxiibadeennu ka badbaadaan khatarta Argagixisada Caalamiga ah”, Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika Gen. Dagvin Anderson oo ka warbixinayay hawlgalkaasi.

Ugu dambayntiina Dagvin Anderson ayaa u hambalyeeyy ciidamada Maraykanka iyo saaxiibadooda Soomaalida ah (ciidanka Puntland) oo uu ku amaanay in ay dejiyeen hal-beeg fulineed si wacan loo qorsheeyay oo wadajir ah, kaasi oo ka dhan ah kooxaha doonaya in ay argagixisada u soo dhoofiyaan Maraykanka iyo shuraakadiisa