Maraykanka ayaa 48-dii saac ee la soo dhaaday khasaare xooggan kala kulmay duulaanka isaga iyo Israel…

Maraykanka ayaa 48-dii saac ee la soo dhaaday khasaare xooggan kala kulmay duulaanka isaga iyo Israel ay ku qaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Waxaa gudaha Iran looga burburiyey saddex diyaaradood oo la waysan yahay duuliyayaashoodii, waxaa burbur baaxadleh ga gaarsiiyey saldhigyadii Khaliijka Carabta iyadoo Madaxweyne Trump ka fekerayo tallaabooyinka xiga ee loo qaadayo dhanka Iran.
Iran ayaa duqaymihii ugu dambeeyey ee ay ka fulisey Qadar ku burburisay diyaarad helikobtar ah oo nooca CH-47 Chinook ah, iyadoo xoojisay beegsiga saldhigyada Maraykanka ee Sacuudi, Qatar, Kuwait, Jordan iyo Imaaraadka.
Iran waxaa kale oo ay shaacisay inaysan aqbali doonin inay Marinka Hormuz ka tallaabaan maraakiibta sahayda u sida saldhigyada Maraykanka, taasi oo ka dhigan inuu qarxo dagaal badeed ama xuluufada Maraykanku raadiyaan xal kale.




