Maraykanka oo khasaarihii ugu cuslaa kala kulmay duqaymihii ka dhacay saldhigyadiisa Sucuudiga.

29 March, 2026

Sawirrada laga soo qaaday mid kamid ah diyaaradaha Milateriga Mareykanka ay leeyihiin, gaar ahaana ciidanka Cirka…

Sawirrada laga soo qaaday mid kamid ah diyaaradaha Milateriga Mareykanka ay leeyihiin, gaar ahaana ciidanka Cirka ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaarry kadib weerar ay Iran ku qaaday saldhigga Prince Sultan ee ku yaalla Saudi Arabia, Gantaalada Tehrana ay si xoogan uhalakeeyeen.

Warbaahinta Reer Galbeedka ayaa sheegtay in 13 kamid ah diyaaradaha Mareykanka ay waxyeelo weyn soo gaartay, iyadoo ay u badan qaadayaasha Shidaalka ee hawada diyaaradaha dagaalka shidaalka u xambaara, kuna fadhiya malaayiin dollar.

102 Askari oo Mareykan ah ayaa saldhigan dhaawacyo kasoo gaareen, waana halka 2-aad ee dhaawacyada Askarta Mareykanka ay ka dhaceen, ka dib Kuwait ayaa xigsanaysa kaalinta 2-aad.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in jamhuuriyadda Iran ay diyaaradaha Maraykanka ee ku fadhiya $150 million ku burburin karto drone ku fadhida $30,000.