Maraykanka oo kordhiyey tirada Soomaalida ee laga masaafurinayo dalkiisa.

Tirada Soomaalida kunool dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ee lagu amray inay ka baxaan dalkaasi…

3 October, 2026

Tirada Soomaalida kunool dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ee lagu amray inay ka baxaan dalkaasi ayaa siweyn u korortay iyadoo in ka badan 500 oo qof ay heleen awaamiirta masaafurinta, waana tiro toban jeer jibbaar ka badan tiradii la wargeliyey sanadkii 2026.

Wargeyska Minnesota Star Tribune, ayaa sheegay in in ka badan 1,000 oo Soomaali magangelyo-doon ah lagu amray inay dalka ka baxaan guud ahaan dalka Maraykanka tan iyo bishii February, iyadoo kala bar dadkaasi kamid ah ay kunool yihiin gobolka Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah dadka lagu amray inay dalka ka baxaan ayaa durba laga masaafuriyey Mareykanka, halka qaar kalena loo gudbiyey xarumaha lagu hayo dadka socdaalka, oo ay ka mid tahay xarunta ciidamada Mareykanka ee Guantánamo Bay ee dalka Cuba, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dedejiyey dacwadaha socdaalka iyo magangelyada, lana beddelo shuruucdii dadkaasi u ogolaanayey inay sii joogaan Maraykanka.

Bishii February, maamulka Trump ayaa bilaabay nidaam lagu dedejinayo dhageysiga dacwadaha socdaalka, kaas oo loo bixiyey “rocket docket”, waxaana nidaamkaani uua garsoorayaasha socdaalka u oggolaanaya inay qaadaan dacwado, oo ay ku jiraan qaar la xiriira muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo adeegsanaya habraacyo internet-ka ah.