Maraykanka oo ku baaqay in Iran ‘joojiso’ kobcinta nukliyeerka

1 day ago

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa sheegay in Tehran “ay tahay inay joojiso oo ay tirtirto” barnaamijkeeda kobcinta nukliyeerka si ay heshiis ula gasho Washington, taas oo u muuqata mid kor u qaadaysa shuruudaha Maraykanka ka hor wareeg kale oo wadahadal ah oo lala yeesho Iran.

Witkoff ayaa qeyb ka ahaa wadahadallo uu la yeeshay saraakiisha Iran, waxaana uu Sabtidii si toos ah ula xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi oo ku sugan Cumaan. Wadahadallo dheeri ah ayaa loo qorsheeyay Abriil 19.

Witkoff waa ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe, laakiin madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa siiyay dhowr mas’uuliyadood oo sarsare oo ka baxsan gobolka, oo ay ku jiraan inuu hoggaamiyo wadahadalada Ruushka iyo sidoo kale Iran.

Trump waxa kale oo uu tilmaamay in Maraykanku uu qaadi karo tallaabo millatari haddii wareegga hadda ee wadahadallada Nukliyeerka uu burburo. “Haddii wadahadallada aan lagu guuleysan, waxaan u maleynayaa in Iran ay geli doonto khatar weyn,” ayuu yiri usbuucii hore.