Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysey ka hadashay wadashaqaynta kala dhexaysa maamulka Somaliland, midnimada Somalia iyo…

Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysey ka hadashay wadashaqaynta kala dhexaysa maamulka Somaliland, midnimada Somalia iyo sababaha keenay inay si gaar ah ula macaamisho qayb kamid ah Jamhuuriyadda Somalia.
Bayaan ka soo baxay barlamaanka Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu aqoonsan yahay midnimada, madax-banaanida & wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hase-yeeshee uu Somaliland u arko saaxiib uu iskaashi kala samaynkaro amniga, dhaqaalaha & diblumaaasiyadda.
“Si kastaba ha ahaatee, walaacyada amni ee gobolka iyo muranka ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan diidmadeeda inay la shaqeyso hay’adaha qaranka DFS ayaa caqabado ku ah maalgashiga, adeegyada bangiyada iyo ganacsiga”, Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Maraykanka.




