Safaaradda Maraykanka ee magaalada Cammaan ee dalka Urdun ayaa soo saartay digniin dhinaca ammaanka ah, iyadoo muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ugu baaqday inay sare u qaadaan feejignaantooda.
Safaaraddu waxay sheegtay in xaaladda gobolka ay tahay mid “isbedbedelaysa”, isla markaana dowladda Iran ay tahay mid “aan la saadaalin karin”.
Digniinta ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ee gobolka ay muujiyaan “taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah”, ayna u diyaar garoobaan suurtagalnimada in duullimaadyo la baajiyo iyo in mararka qaar la xiro hawada.
Safaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Iran ay tahay “mid aan la saadaalin karin”, iyadoo tusaale u soo qaadatay go’aannadii ay dhawaan qaadatay ee ahaa inay weerarro ku qaaddo meelo ka tirsan gobolka iyada oo aan digniin ama sabab muuqata laga bixin.
Waxay sidoo kale sheegtay in Iran ay ballaarisay weerarradeeda oo ay gaarsiisay meelo aan horay loo bartilmaameedsan, sida dalka Masar.

Iran oo dalalka gobolka ugu baaqday inay dib u eegaan xiriirkooda Maraykanka
Major-General Ali Abdollahi, oo ah taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo ah taliska wadajirka ah ee ugu sarreeya ciidamada Iran, ayaa sheegay in tallaabooyinka Maraykanka ee ka dhanka ah Iran ay sii kordhinayaan khatarta ah inuu qarxo dagaal ballaaran oo gobolka oo dhan saameeya.
Abdollahi ayaa hadalkan ka sheegay warbaahinta dowladda Iran ee IRIB, isagoo sheegay in dalalka gobolka ay fahmaan in Maraykanku doonayo inuu hantidooda, kaabayaashooda iyo kheyraadkooda u adeegsado “gaashaan difaac oo uu kaga gabado awooddiisa ciidan ee sii daciifaysa”.
Wuxuu sheegay in dalalkaasi ay dib u eegaan “iskaashigooda iyo garab istaagga ay la leeyihiin” Maraykanka.
Waxa uu ka digay in dal kasta oo noqda waxa uu ugu yeeray “gaashaanka difaaca” ee Maraykanka uu “ku guban doono ololka dagaalka”.




