Maraykanka oo qiray inuu duqayn ku diley Ahmed Maeleninine.

12 February, 2025

Dowladda Maraykanku waxay shaacisay inay buuraleeyda Cal-miskaad ku dishey Ahmed Maeleninine oo siweyn loogu raad joogey.

Dowladda Maraykanka ayaa markale faahfaahin ka bixisay duqaymo cirka ah oo ciidamadeedu ka fuliyeen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymihii dhacay 1-dii Janaayo lagu diley 14 xubnood oo katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ayna ku jiraan xuno xilal sarsare ka hayey kooxdaasi.

Ragga la sheegay in la diley waxaa kujira Ahmed Maeleninine, oo Daacish u qaabilsanaa xariirka dibada, Dhaqaalaha iyo Howlgalada dibada oo ay kujiraan in Argagixiso laga soo qoro dalalka Mareykanka iyo Yurub, ayna horay Horseed Media usoo gudbisey xogta dilkiisa.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dagaaladii ugu dambeeyey ee shalay lagu diley in ka badan 60 xubnood oo ajaaniib ubadan looga diley kooxda Daacish.