Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii duqaynta ahaa ee lagu diley Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi oo…

Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii duqaynta ahaa ee lagu diley Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 13-kii September ka dhacay duleedka Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Maraykanka ayaa sheegay in weerarkaan oo uu la kaashaday dowladda federalka ah ee Somalia lagu diley hoggaamiye AS u qaabilsanaa iibinta hubka, inkastoo aysan carrabaabin magiciisa iyo xogo kale oo dheeraad ah.
“Iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah oo la beegsaday xubin Alshabaab u qaabilsanaa iibinta hubka Sebtember 13, 2025. Duqeynta ayaa ka dhacday agagaarka magaalada Badhan ee dalka Soomaaliya”,Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Maraykanka ee AFRICOM.
HALKAAN KA AKHRISO



